X

Degdeg: Xajka oo sanadkan la fasaxay

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in sanadkan xajku u furan yahay sidii caadiga uu ahaan jiray kahor inta hargabka Karoonaha aan loo xanibin. Labadii sano ee u dambeeyay ayaa Sacuudigu yareeyay dadka imaan kara xajka asagoo weliba xanibay da’da tegi karta.



Go’aankan ayaa soo baxay kadib markii shir loo dhanaa uu ka dhacay Sacuudiga ayna ka soo qayb galeen wadamo badan oo Muslima laguna qaatay sii horumarinta xaramka iyo adeeg lagu farxi karo oo la siiyo xujaajta.

Sacuudiga ayaa ka qoomamaynaya goobo MUHIIM ahaa oo la booqan lahaa inuu dhulka la simay, haddana uu rabo inuu balaadhiyo intii uu karo goobaha xujaajtu booqan karto marka ay gutaan waajibka.



”Tirada xujaajtu waxay dib ugu noqon kartaa sidee hore ay u ahaan jirtey mana jirayso da’ la xanibayo ayuu yiri wasiirka diinta ee Sacuudiga oo hadlay shirka xajka kadib. Wadamada Muslimiinta ayaa la siiyo qoondo waana qoondada dib loogu noqonaya halka sanadihii u dambeeyay la joojiyay.



Xajka ayaa caadiyan waxa xajiya dad badan oo 2 milyan ka badan. Welli lama sheegin in tigidhada xajka dib loogu celin doono wakiilada kala jooga adduunka. Sanadkii hore ayaa lagu go’ay kadib markii ay u dhiibeen tigidhada iyo carbuunta huteelada shirkad aan khibrad lahayn oo aan maarayn karin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.