X

Madaxweyne Farmaajo oo fashiliyay boob uu ku kacay Rooble Baahane

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu joojiyay hanti qaran oo la dhacaayay xilli madaxweynaha oo ah astaanta qaranka kana masuula ilaalintooda uu soo saaray sanadkii hore in la joojiyay heshiisyo caalami ah inta lagu jiro doorashada.


Wareegtada ayaa sidan u qornayd iyo weliba wasiirka galay hawshan. Waxa la ogaa in wasiirka saxiixay hawshan uu waayay kursiga xildhibaanimo uuna xulufo la ahaa BAAHANE iyo Muudey.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.



Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.