X

Degmo 20 kun ku nool yihiin oo ka cabta hal taangi oo kii xaafadaha ah

Dadweynaha degmada Araabi ee dawlada Somali galbeed ayaa dhowr cabasho u direy dawlada deegaanka si degmadu u hesho xaqeeda gaar ahaan horumarka asaasiga sida biyaha iyo korontada. Magaalada oo ay ku noolyihiin 20 kun oo qof ayaa sidii xaafad kaliya leh biyaha keydka.


Waxayna ku kaliftaa dadka degmada inay maalin kasta la tacaalaan sidii ay biyo u heli lahaayeen. Dhinaca korontada ay Iyana dhib weyn ku qabaan.

Inkastoo Araabi tahay magaalo degmo u qalanta hadana waxay weli ku jirtaa magaalooyinka dib u eegistoodu socoto sida uu sheegay madaxa ku meel gaarka ah ee dawlada Somali galbeed Mustafe Cagjar.


Maamulka degmada ayaa dhowr jeer balan qaadey inay wax ka qabanayaan ilaa hadase wax ka soo indhacad ayna jirin. ”Hadal diyaar uma nihin waxaa na deeqa wixii la balan qaadey ee degmadu xaqa u lahayd oo la keeno ayuu yiri Cali Ismaacil.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.