X

Meydka gabadh yar oo laga helay Gaalkacayo

Meydka  gsbadh yar ayaa.laga helay Gaalkacayo. Gabadha Yar ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Caasha Ilyaas Aadan waxaana la sheegay in la dhigay gurigooda Hortiisa isla markaana maalmahaan ay Reerkeeda ka maqneyd oo ay baadi goobayeen.


Dad goobjoogeyaala oo ku sugan Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Meydka Gabadha Yar oo jirkeedu uu ka muuqdo jirdil xoogan in la geeyey Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Weli lama garanayo sababta Gabadhaasi yar loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda, waxaana dhacdadaas aad u murugoodey dadka degan xaafada meydkeda kaga helay iyo guud ahaan magaalada oo ka argagaxay.


Dhaqano aad u foolxun oo hore aan u jjrin mudadii dawladu jjrtey ayaa hadda lagu arkaa deegaanada Somalida.

Masuuliyiinta Gaalkacayo ayaa welli wax wara ka soo saarin dhacdadan foosha xun.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.