X

Degmo labaad oo amaro ka soo saartey arimaha guurka

Degmo labaad ayaa amaro ka soo saartey arimaha guurka. Gudoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay kulan wada qaateen iyaga iyo culimada degmada iyo dadka deeganka, goaamana ka soo baxeen.



Gudoomiyaha ayaa qaba fikir ah in ay bateen dadka sida qarsoodiga ah isku guursanaya taas oo uu sheegay inay uGu wacan tahay lacagaha faraha badan ee ku baxa aroosyada.

Wuxuu sheegay in aroosyada ay ku baxaan boqolaal kun oo doolar iyo xoolo badan oo la kala qalo dhow mar, sidaas awgeedna soo saareen amaro lagu xadidaayo lacagaha ku baxa guurka.



Wuxuu sidaas awgeed sheegay in la qaatey amar ah in lacagaha meherka uu noqdo laba boqol oo doolar lana joojiyo xoolaha badan ee la qalayo. Dhinaca wuxuu amrey in guurka oo dhan la soo mariyo degmada.

Waa degmadii labaad ee ka tirsan gobolka Gedo oo soo rogta amaro ku saabsan guurka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.