X

Imaaraadka oo tababar u furaya ciidamada Somaliland

Imaaraadka ayaa tababar u furaya ciidamada Somaliland sida uu warkan siiyay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi oo la hadley saxaafada reer galbeedka.

Warkan ayaa imaanaya kadib markii DP World laga mamnuucey Berbera.

Muuse Biixi oo ka hadlayay sida Imaaraadku u tababari doono ayuu sheegay ”inay lacag hayaan khibradna leeyihiin ay ku tababaraan booliiska iyo ciidanka lugta”. Warkan ayaa keenaya xiisad kale.



Muuse Biixi ayaa sheegay in arintan oo dadka badankoodu u arkayaajn in Imaaraadku dhisayo ciidan, lagu dhamayn doono laba bilood. Imaaraadka ayaa ka gaabsadey hadalka Muuse Biixi bixiyay.

Imaaraadka ayaa loo diidey in garoon ciidan ka samaystaan Berbera ay kaga duulaan Yaman, waxase hadda Muuse Biixi leeyahay waxa saldhigan milatari la filayaa in la dhamaystiro sanadkan.



Imaaraadka ayaa lacagta saliida u isticmaalaya inay ku fushadaan urur diimeedkooda Wahaabiyada ay la wadaagaan Sucuudiga.

Sacad Cali Shire oo ag-taagnaa Muuse xilliga uu bixinayay warkan ayaa diidey inuu sheego tirada ciidamada Imaaraadka ee imanaya Berbera.

Farogelinta ciidan ee Imaaraadku ka bilaabayo Somaliland ayaa khatar ku keenaysa deganaanshaha gobolka oo nabada taalaa cagobadan ayna ku taagneyn.

Imaaraadka ayaa dhinaca kale dulmaraya cunaqabataynta hubka ee saaran Somaliya guud ahaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.