X

Wasiirka arimaha dibedda oo Itoobiya kula kulmey xulka qaranka Somaliya: SAWIRO

Danjire Axmed Ciise Cawad  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulan casho sharaf ahaa u sameeyay Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Addis Ababa.

Waxa ay isku diyaarinayaan isreeb-reebka Ciyaaraha Olombikada oo lugta hore ay la ballansan yihiin Xulka Itoobiya.


asiirka oo la kulmay dhalinyarada ayaa ku dhiira-geliyay sidii ay guulo ugu gaari lahaayeen dhiggooda Itoobiya oo ay la ballansan yihiin.

Ciyaartoyda da’dooda ka hooseysa 23-sano jirka ayaa maanta oo Arbaco ah la ciyaaraha Xulka Itoobiya oo lugta koowaad ka dhici doonto Magaalada Addis Ababa.



Isreeb-reebka Ciyaarta u dhaxeysa 23-jirada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah Ciyaaraha Olombikada ee lagu qabanayo Magaalada Tokyo ee Dalka Japan sanadka 2020-ka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.