X

Dhacdadii Boosaaso waa jug-jug meeshaada joog halkeese sartu ka qudhuntey

Fowdadii uu ka dambeeyay horjooge Siciid Deni waa mid la filaayay laakiin lama filayn inuu munaafafaq xun kula dhaqmo dadka reer Boosaaso kadib markii uu qaatay muwaawinada intiisa laakiinse halkee sartu ka qudhuntey.


Horjooge Siciid Deni oo Imaaraadka looga yeeray si loogu sheego inuu la shaqeeyo fadhiid Xasan Culusow ayaa amray inaan diyaarada ku soo socota Boosaaso ayna degin raashinkana dejin, isagoo u qaba in raashinkaas uu gaarayo ciidanka xooga Butlaan ee Maraykanku biili jirey.


Waxase goobta ku dhintey dad shacaba iyo askar labada dhinaca weliba u badan dhinaciisa. Horjooge Siciid Deni fariinta uu diraayay ayaa ahayd welli anaa Butlaan ka taliya, waa gobol ii go’an, waxayna fariintu ku socotay Xasan Culusow.



”Ma jirto isla xisaabtan iyo awood fulisa hawlaha qaranka waana sida ay rabaan kooxda Xalane ee ina dul keenay Xasan Culusow oo aan cidiba filayn in dib loo doorto ayuu yiri Cali Calasow.

Waa sida ay dalka la rabaan kooxda Xalane in dalku sidan sii ahaado, inta dalku sidan yahayna dawladnimo ka dheer.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.