X

Ruushka oo sheegay in askarta Maraykanku ridayaan madaafiicda Yukrayn

Kadib markii madaafiic lala eegtay suuq shacabku ku badan yahay oo ku yaal Koofurta Yukrayn ayna ku dhinteen ugu yaraan 7 qof in ka badan 80 qofna ku dhaawacmeen ayaa Ruushku sheegay in madfaca la adeegsaday uu ahaa kii Maraykanku siiyay Yukrayn.


”Waxaan ognahay in madfacaas ay ridayeen sarkaalo ka tirsan Maraykanka isla markaana ay gudbiyeen xogta goobta la weerarayo ayay tiri afhayeenka wasaarada arimaha dibedda ee Ruushka.


Waxa madfacaas ka dambeeyay kuwo kale oo ku dhacay isla Koofurta dalkaas Yukrayn markana ku dhacay goob ay yaaleen hub duuga oo ay ka carareen askarta Yukrayn. ”Waa fuley Maraykanka iyo reer galbeedku ma rabaan inay toos noola dagaalamaan, waxayse ku gabanayaan dhirta iyo guryaha Yukrayn ayuu yiri xildhibaan ka tirsan barlamaanka Ruushka.



Ruushka ayaa sheegay inuu sii xoojin doono weerarka qorshaysan ee uu ku xoreynayo gobolka Dombaas ee Yukrayn oo badankiisa uu hadda xoreeyay asal ahaana ay lahaayeen Ruushku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.