X

Jarmalka oo Ruushka ka baryaya inaanu ka goyn gaaska xilli ay haysato

Jarmalka ayaa ka mid noqday kuwa dabada haysta Maraykanka oo cunaqabatayn isaga iyo xulafadiisa u gaara ku soo rogay Ruushka sida inaan la iibsan gaaskooda laakiin la iibsado kiisa.


Maraykanka iyo xulafadiisa oo Jarmalku Ku jiro ayaa cunaqabataynta ay isku soo rogeen Ka qaaday sixir bar iyo dhaqaale burbur. Jarmalka oo dhaqaalihiisu Ku xitnaa jabnaanta gaaska iyo saliida uu ka help Ruushka ayaa ku kibray oo ka raacay Maraykanka, haddana wuxuu baryo la taagan yahay dibedda.


Shalay ayaa Ruushku bilaabay inuu dayactir hore loo iclaamiyay ku bilaabay dhuumaha gaaska qaada ee geeya Jarmalka, waxase Jarmalku walwal ka qabaa in Ruushku dib u bilaabo waayo gaaska.



” Waxaa nahay rajo ku nool Isla markaana Ka walaacsan in Ruushku dib u sii deyn waayo gaaska ayuu yiri ku xigeenka hogaamiyaha Jarmalka oo ka mid ahaa dadka u hanjabi jirey Ruushka qaybna ka ah hubeynta Yukrayn.

Ruushka oo raba inuu gaaskiisa gato ayaa sheegay inay soo deyn doonaan marka uu dhamaafo dayactirku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.