Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Dhacdo naxdinleh: Hooyo ilmaheeda laga waayay isbitaalkii ay ku umushay Muqdisho iyo sida wax u dhaceen

Wararka aan ka helayno isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee loo yaqaan Sos ee magaalads Muqdisjo ayaa aabo aad u murugaysan ka hadley ilmahooda oo laga xaday isbitaalkaas. Hooyada ayaa ilmaha dhashay Khamiista ina soo dhaaftey, waxana ilmaha la xaday oo la waayay Jimcihii shalay ahaa.



Aabaha dhalay ilmaha oo lagu magacaabo Mustaf ayas uga waramay saxaafada sida wax u dhaceen. Mustaf ayaa sheegay in Hooyada dhashay ilmaha yar oo lagu magacaabo Naciimo Maxamed ay yara seexatay, dumarkii la joogayna ay aadeen Salaadii Maqribka shalay, sidaasina ilmaha looga xaday.

Aabe Mustaf ayaa sheegay isaga oo jooga gurigiisa in loo soo diray taleefoon, kadibna loo sheegay ilmihii yaraa ee uu dhalay in la waayay oo Isbitaalka lagu dhex xaday.



Waxa uu intaa raaciyay in markiiba uu soo cararay oo Isbitaalka uu yimid, balse uu garan waayay meel uu arrin ka bilaabo, dhaqaatiirta Isbitaalkana ay u jawaabi waayeen, maadaama shaqooyinkooda gaarka ah ku mashquulsanaayeen.

“Markii aan Xaafadda tagay oo cashada aan soo qaadi rabay, ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararay, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan.



Waxa taas ka sii daran meelaha qaarna inaad gasho lama ogala oo waxaan is weydiiyay hadaan meelaha qaar la ii ogolryn see ilmaha lagu xaday, qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay.

Mustaf ayaa si diciifa u sheegay in wax rajo ah lahayn waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, wuxuu ahaa cunugii noogu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf.

Tan ugu naxdinta badan ayaa ah fowdada ka jirta isbitaalkaas inaan la ogaan karin cida la baxdey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...