X

Dhacdo argagax leh oo ku dayasho mudnayn oo Muqdisho ka dhacday

Waxa baraha bulshada laga daawaday gabadh iska soo tuurtey dabaq ku yaal magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Xamar Jajab. Gabadhaan oo loo dhigey wax darin u eg ayaa waxa soo gaaray dhaawacyo halisa.



Dadkan arintan wax ka ogaa ayaa sheegay in gabadha lagu sheegay inuu hayo jini ee ayna jirin arimo kale hase yeeshee waxa hore loo sheegay inay jirtey gabadh kale oo jacayl dartiis isa soo tuurtey.



”Waa nasiib daro in dhalinteenii heerkaa la gaarsiiyay waa mide in la yiraa is-qarxiya janaad galaysaan iyo in ay qaataan khuraafaadka ah waa la is dilaa sida in sun la cabo ama sidan oo kale dabaqyo la iska tuuro, taas oo labaduba naar ku gaynayso ayuu yiri Cali Calasow.

Gabadhaan u dambeysay ayaa magaceeda lagu shegay keliya Kaltuun. Qoyskeeda ayaan bixin faahfaahin balaaran.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.