X

Waa kuma Axmed Shide halkeese ka soo galaa siyaasada dawlad deegaanka

Waxaa baryahan ka jirey dawlad deegaanka Somali galbeed muran aan badneyn oo ku soo saabsan siyaasada xisbiga talada haya oo isbedel ku yimi dhinaca sare laakiin welli xubnaha hoose yihiin kuwii hore ugu jjrey xisbiga oo wax ka ogaa tacadigii uu Cabdi Iley ku hayay dadka.


Hadaba Axmed Shide halkee ka soo galay siyaasada awood intee leeg ayuu hadda ku leeyahay siyaasada dawlad deegaanka.

Waxa laysky raacay in xillifan uu gawl fiican hayo madaxweyne Mustafe Cagjar loona baahneyn in la bedelo ilaa ay timaad siyaasad dhaanta.


Axmed Shide waxaa uu culuunta maareynta kheyraadka iyo xallinta khilaafaadka kusoo bartay mac-had ku yaala dalka Netherland, waxaana intaa kadib uu shahaadada koowaad ee arrimaha horumarinta ka qaatay jaamcadda Salex ee dalka Ingiriiska.
Waxaa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay kamid yihiin ku xigeenka madaxa xafiiska beeraha iyo horumarinta deegaanada, gudoomiyihii guddiga arrimaha xoola dhaqatada oo uu ahaa sannadkii 2003-da iyo madaxa xafiiska wanaajinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale sannadkii 2008 waxaa uu la taliye sare usoo noqday madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.


Nin la yirahdo Girma Gutema oo sheegay inay saaxiibo dhaw yihiin Axmed ayaa sheegay in Shide uu kusoo barbaaray magaalada Nageyle ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kusoo qaatay waxabarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare.
Inkastoo siyaasadda la sheego in uu ka bilaabay heer deegaan ayaa haddana waxaa muuqata in uu horumar ka sameeyay, isagoo hadda ah wasiirka maaliyadda, jagadaasi oo muhiim ka ah Itoobiya.
Waxaa kale oo uu horay usoo noqday wasiirkii warfaafinta ee Itoobiya.
Sannadkii 2016 waxa uu ahaa wasiirka gaadiidka, kahor inta uusan noqonin wasiirkii maaliyadda.


Dhanka siyaasadda deegaanka, sannadkii 2004 wuxuu mar soo noqday xoghayaha guud ee xisbiga Dimoqraadiga ee Shacabka Soomaalida, waxaana lagu tiriyaa in uu kamid yahay shakhsiyaadka ugu saameynta badan siyaasadda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.


Shide ayaa sannadihii 2003 ilaa 2004 waxaa kale oo uu soo noqday madax xafiiseedka ra’iisul wasaraha iyo madaxweynaha dalka Itoobiya, waxaana uu horay ula soo shaqeeyay oo ay xulafo ahaayeen madaxweynihii hore ee deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar.

admin:

This website uses cookies.