Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Dhacdo laga naxo oo ka dhacdey Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada dowlada Somalia ayaa fiidnimadii caawa xiligii afurka ka dib dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Muqdisho labo wiil oo la dhashay iyo hooyadiis.

Falkan naxdinta leh ayaa ka dhacay xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla beerta daraawiishta ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in askarigan uu toogasho ku dilay walaalkiis ka weyn, isagoo dhaawacay wiil kale oo la dhashay iyo hooyadiis, sababta rasmiga ah lama oga balse waxaa loo maleynayaa in falkan uu ka dhashay muran dhinaca qoyska ah.

“Askarigan ayaa markii uu falkan geystay waxaa uu Isbitaalka ula cararay hooyadiis iyo wiilka walaalkiis ah ee uu dhaawacay, markii uu gaarsiiyeyna wuu baxsaday” sidaa waxaa yiri goob jooge la hadlay warbaahinta.

Waxaa arintan si weyn uga argagaxay qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan xerada beerta Daraawiisha ee degmada H/wadaag oo falkan uu ka dhacay, halkaasoo caawa si weyn looga hadal hayo dhacdadan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...