X

Dhacdo laga naxo oo ku dhacdey haweenay foola oo wadada lagu joojiyay

Dhacdada haweenay Somaliyeed oo wadada ku umushey. Dhacdadan ayaa ka dhacdey Muqdisho gaar ahaan mel aan ka fogeyn isbitaal Banaadir.


Askarta joogta agagaarka Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo amar adag qaba ayaa diidey Bajaajle wada haweenay foola inay u gudubto isbitaalka oo aan waxba ka fogeyn halka askartu joogto.

Waxay Askarta dhegaha ka fureysteen inay Haweeneyda Foosha haysay u maciinaan iyo inay Bajaajkii gurmad ahaanta iyada u waday u fududeeyaan marista Jidka.

Askarta ayaa laba mid dooro ku noqotey ayagoo ka baqaya in argagixiso isticmaasho ama ka faaiideysato.


Mid ka mid ah dadweynihii goobta joogay ayaa is-hayn kari waayey, wuxuuna cod dheer ku yiri: “Miyaa u fiirsan kari weydeen in haweenayda uur leedahay iyo inkale??


Ilaahaa mahad leh, Haweeneydii si fudud ayey ku umushay, waxayna ka badbaaday Khataro caafimaad oo ay inta badan Haweenka xaamillada iyo kuwa foolanaya u nugul yihiin.

Dhacdadani maaha tii ugu horeysay waxana loo baahnaa in askartu u fiirsato qofku xaalada uu ku jiro. Dhacdadan ayaa aad looga xumaadey ayadoo askartu muujiyay aqoon daro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.