Dhacdo murugo leh: wiil yar oo lumay kadibna meydkiisa la helay
Dhacdo aad u murugo leh ayaa ka dhacday Soomaali galbeed qaasatan baadiyaha Doolo halkaas oo wiil yar oo mudo la waysanaa hadda la helay meydkiisa oo qolfoofa. Dadka meydkiisa helay ayaa qaba inuu u dhintey haraad xilli abaar ku habsatey deegaanadaas.
Dhacdadan murugada leh oo dadka deegaanku ka seexan waayeen ayaa la sheegay in wiilka yar oo 10 jir ahaa uu raaci jirey adhi kadibna uu is yiri biyo raadso dabateenaa uu garan waayay dhinaca reerku ka xigo.
”Adeer waxaan raadinay muddo 10 cisho ah geeri iyo nolol nasiib darose waxaan saaka helnay meydkiisa oo qolfoofa. Jidhkiisa waxoogaa ayaa ka hadhay waxayna u badan tahay in mardambe xayawaan helay ayuu yidhi oday adeer u ahaa wiilka.
Dhacdadan naxdin leh ayaa imaanaysa xilli dad badan oo Somali ah ay u dhinteen cunto la’aan iyo haraad. Meydka wiilkan wixii ka hadhay ayaa lagu aasay isla deegaanka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
March, 21, 2023
Madaxweynaha Awdal state Dr Nageeye ataa ka hadlay ...
March, 16, 2023
Siyaasi Cali Faarax ayaa ka hadlay kacdoonka reer ...
March, 9, 2023
Madaxweynaha Awdal state Dr Nageeye ayaa si adag ...
March, 5, 2023
Warqad ka soo baxday xafiiska Ingiriisku ku leeyahay ...
February, 26, 2023
Wasiirka difaaca dalkaasi Ruushka oo ka jawaabayay hubka ...
February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...
December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...
December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...
November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...
November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...
November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...
November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...