Dhacdadii ugu naxdinta badneyd oo ka dhacdey Shiinaha iyo dhimashada 15 rakaaba. Dhacdadaan keentay dhimashada ayaa timi markii bas ka dhacay buundo webi dulsaaran oo cidla ahayd xilligaas.
 Muuqaalka kaamarada ayaa muujiyay in haweenay basku dhaafay joogsigeedii ay moobil ku tuurtey dirawalka gaariga, isaguna malaha is yiri iska difaac, waxase dhacdey in uu ilaaey inuu wado bas ay saaran yihiin 15 qof.
Waxana kadib la arkey baskii oo webiga ku dhacay jebiyayna xanibaada buundada. Masuuliyiinta Shiinaha oo baaray ayaa ogaadey marki la baaray kaamarada in dagaalka dhexmaray haweenayda iyo dirawalku sababey in basku biyaha ku dhaco.
Waxa biyaha webiga laga soo saaray baskii iyo rakabkii oo dhamaantood dhinteen Waxase aad looga naxay qaylada rakaabka inta aanu basku ku dhicin biyaha.
Halkan ka daawo dhacdadaa foosha xun iyo haweenayda la dagaalsan dirawalka.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=w2MYsLAD6bs[/embedyt]
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay