Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Afka Cir U Taag Ha Adkaysto

Geela baa marka xaal-kiisu marxalad adag ku jiro, ee ninka lihi arko, in arimuhu meel xun maryaan, ugana werwero in abaarta haysa ay halis ku tahay, oo biyo iyo caws la’aan uu beryaha soo socdda uga baqaayo, oo colaad iyo kala yaac awgeed-na, dhulkii uu u daaq-geyn lahaa ay ka sokayso iyo isaga oo ku naf waaya,

 



haddii uu dhex geeyo halkaa cuno ugu dhaw, laakiin-se ay balaayadu ka taagan tahay, baa isaga oo daba-ka-werwer ka qaba arima-haas, ayuu ugu heesaa geela weedhahan, ee bal ila dhuux waa tane ” Walee ayrooy, waxad orodoo, afka taagtoo, aydda miratoo, ila kuu dhaw, aad-yar ka cabta-ba, arli doog badan, ku ekaato-ba, hadaad oloshoo, uurku madhanyoo, diiday ilmihiyo ubad-kaaggii, Hogol ugubiyo, mayey ka onkoday, awaariyo hawd, aar libaaxiyo, abris iyo tuug, orgamiyo bahal,



kaa ag oriyaan, aroor kula taga, inaan kuu raro, intaan noolahay, kuuma aamino, allaah ferej furi, kuu arxamiyoo, kaaga aar goyn, aboorka ku kacay, aagaad degaysee, in yar ka war dhawr, ayaan dhaw buu, hilaac ku onkodi, irid-daad iyo kayn agtaada ah” akhristaw, waxan uga socdo aan kuu qeexo’e, Askarigan dalkii waalay, shalay buu cabaadka saydhay, ee bal iga hoo oo halkan hoose ka akhri.



Wel-wel iyo walaac iyo, aduun waayo camal-kiisa, ragga gabayga ciil babaree, cidi ma kuu sheegtay askari-yahaw? Hore baa Somalidu murti-deedda ku sheegtay, oo ay tidhi ” Nin is waalaba, waabiyaa hela” ilayn sina u adkaysan maayo afka cir u taage ( Waa ka la yidhaaho raggii ma adigaa ka hadhaye) askarigii waa ku jiq, imika buu cabaadka ka wadhay, oo uu ka waq-siiyey wax aan looga fadhiyin, wuxu ku andacoo-nayaa, mucaaridku wuxu iga caayaa baraha bulshadda. Haduu intaa ku siman yahay, oo sidda diinka aanu orod meel dheer ku tegayn, adkay-simana u lahayn, waxa uga soo baxa ama ay u dhasho af-caasha uu ku kacayaa iyo arimaha uu walaaqa-nayaa, siddii ilma yar oo biyo la dhex dhigay, oo labadda lugood iyo gacmaha biyaha la dhacaaya, kolba dhinac u saydhaaya, ku haftay oo in laga saaro raba, ilayn ma ka kici karo, oo socod iyo gurguurad mid-na ma gaadhine, hadana is keli-faaya, buu askariggii jiif iyo jog-ba diiday, ee bal dhegaysta waxa uu la waraaqaayo, waxan leeyahay, waa taas oo abada ahee ” Afka cir u taagaw u adkayso” baydh lagaa jimcin-maayo’e, maah-maaha dhaqan-keena miyiga ah, oo badanaa xoolaha lagu sitcmaalo, laguna dabaqo, qofka faraha dhigi waaya, ee xumaan uun doona, baa waxa ka mid ah tu inoo sharaxaysa, qaabka ay tahay shakhsi-nimadda ruuxa salka dhulka laga dhigi waayaa, marka la taab-tana cabasho la soo jeesta sidda askarigan, waxana ay tahay ” Hasha geela cunta ee cabaadda”. miyey soconaysaa, oo aynu ka qaadan karnaa labadda asakri, sidaanu doono aanu u socono, waxna yaan nala odhan?



Nin dharaaro ceesha-ba, saldanad loogu soo dhigaye, sakaar dhabad haduun bay soo baxeen, kuwii xukunka boobay, oo ay doona-yaan, siddii bahalka la yidhaaho jiirka, intuu habeenkii kaa qaniino madaxa, dabeed is yidhaaha, yaan lagu ogaan markaad wax qaniinto ee afuuf, laakiin ay ka sii darto xaajadu, oo halkii uu afuufay, timihii ku yaalay ay soo dhacaan, ka bacdi marka uu subixii soo tooso qofkii, indhaha ku dhufto timaha ka go’ay xalay, ee jiir uu ka Jaray, waxan uga socdaa jiirka khiyaama-daas sameeyey iyo ruuxii uu kula kacay, maxaad u malaynay-saan xaal-koodda siduu noqonayaa?



bal-se ka warama haddii uu jiirka laf-tiisii uu soo ashta-koodo oo yidhaaho, maxaa la ii eryanayaa ee aan samaeeyey? raashin doon baan ahaa iyo maxaad cuntaaye? Akhristaw, waxan kuugu soo koobay qoraalkan, askarta Meesha xumabadda ka tuuraysaa, waxay la micne yihiin Doofaar, intuu ceelkii biyaha ahaa ka dhooqeeyey umad dhan, hadana bilaa denbiga iska soo dhigaaya, ee meel kale farta ku fiiqaaya, weliba inoo soo bey-bay-sanaaya, ku leh taladda aniga baa keligay iska leh, horta aynu is waydiino’e ugu horeyn-ba yaa doortay ee uu Isu sheegayaa? Miyaanu ahayn kuwii aynu wadda og-nahay siday labadda askri ku yimaadeen, ugu damabyn iyo hadlkii oo aan soo af-jaray waxa weeye, Alaalaw lagu og, af-taagaad tahay, ku adkayso, wadkii kenedi dilay, baa qoorta kuu sudhane.

*N.B Wallee Ayrooy Kuuma Aaamino, Abris iyo tuug, Intan noolahay!

Qore:- Cabdi-shotali



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...