X

Dhacdo naxdina: gabadh yar oo dhiig bax ugu dhimatey Dhuusamareeb iyo sababta

Gabadh yar ayaa dhiig bax ugu dhimatey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug sida ay sheegeen dhaqaatiirta isbitalka magaalada oo isku dayay inay dhiig baxa joojiyaan.


Gabadhaan oo 11 jir ah ayaa lagu qaaday tacadiga Gudniinka taas oo la sheegay in kadibna la dayacay, waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceena loola cararay isbitaalka.

Dhaqaaatiirta isbitaalka ayaa sheegay gabadhaan oo la oran jirey Deeqo ay u dhimatey dhiig bax ka soo gaaray TACADIGII Gudniinka ee loo gaystey ee aan loo baahneyn.


Gabdhaha Somaliyeed ayaa boqoliiba 99 lagula kacay in jirkooda la jarjaro. Dhaqankaan oo diinta shaqo ku lahayn haddii sax yahayna la jarjari lahaa naagaha Sucuudiga ee Makka ama Madiina degan.


Hooyada dhashay gabadhaan oo iyadu dhaqanka xun raacaysay ayaa la sheegay inay koomo gashay markii loo sheegay geerida naxdinta leh ee gabadheeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.