X

Erduqaan oo mar labaad diidey xabad-joojin ka dhacda Liibiya: dan nooguma jirto

Madaxweynaha Turkiga oo dagaal faraha looga gubtey ka wada Liibiya si uu saliid uga soo saarto badda u dhaxaysa Liibiya iyo Turkiga ayaa mar labaad diidey in xabad-joojin uu qaato. ”Wax faaiido ah nooguma jirto xabad-joojin aan hadda qaadanaa ilaa aan qabsano Sirte iyo saldhiga Jufra mooyee ayuu yiri Erduqaan.


Erduqaan ayaa daadiyay kumanaan dhiiga reer Liibiya ah asagoo dhinac ka wata qorshihiisa uu isku balaadhinayo wadamada Afrika. ”Erduqaan wuxuu is leeyahay dagaal ku qabso meelo badan, wuxuuse ilaa hadda ka masuul yahay barakicinta kumanaan reer Siiriya iyo reer Liibiya ah ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Haddii Sirte iyo saldhiga Jufra gacantayada soo galaan markaas kadib waxaan qaadan karnaa xabad-joojin ayuu yiri Erduqaan. Masar ayaa iyaduna hore u sheegtay in Sirte iyo saldhiga Jufra ay yihiin khad casaana oo haddii Turkigu ka soo gudubto dhirbaaxo lagu dhufan doono.


Ciidanka Liibiya ee jeneraal Khaliifa ayaa haysta inta badan Liibiya ayna ka ahayn caasimada iyo tuulooyinka ku hareeraysan oo looga soo baxay Turkiga.

Erduqaan ayaan ku dhici karin inuu qabsado Sirte ilaa haddana waxa askartiisu ku sugan yihiin magaalada Tarhuna ee u dhow caasimada dalkaasi. Dhawaan ayaa duqeyn saaxada looga saaray gantaalo ay lahaayeen oo u yaalay saldhiga Watiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.