X

Dhalinyarada isku shubaya ee is qoraya ciidanka qaranka oo aad u batey

Maxamed Faarax waa wiil dhalinyaro oo ku noolaa magaalada Laascaanood wuxuu hadda ka mid yahay dhalinta iskood isku qorey ciidanka qaranka oo tababar loo bilaabi doono.

Wuxuu sheegay in isaga iyo sodomeeyo ay ka tageen Laascaanood si ay ugu biiraan ciidanka xooga dalka oo hadda xawli ku dhismaya si tayo leh u hela xaquuqdooda caafimaad iyo ta mishaharba.


ā€¯Waxaan dhamaantayo ku faraxsanahay inaan ka mid noqono ciidanka qaranka, dawladnimo ayaa naas la nuugo leh ayuu yiri maamul jufo faaiido maleh qabyaalad mooye wax kale ma yaalaan.


Marka ma hadaan dhimanayno aan u dhimano meel RABI raali ka yahay ayuu raaciyay.

Waxa sidoo kale jira dhalinyaro Woqooyiga ka tagaya o iyagu raba inay ku biiraan ciidanka amse jiro qorshe guud oo ciidan lagu qorayo iyo meel lagu shaaciyay toona.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.