X

Dhalinyarada xaq u dirirka Awdal oo kabaha la dulmaray afhayeenka doorashada maamulka Muuse Biixi

Guddiga xaq u dirirka ee dhalinyaradu horseedka ka tahay ee gobolka Awdal oo iyagu hore bayaano u soo saaray kuna sheegay inaan gobolka doorasho Ka dhacayn ilaa laga heshiiyo awood qaybsiga maamulka ayaa been cad ku qabtey gudoomiyaha guddiga doorashada ee kursigiisa muranku ka taagan yahay.


Ninka la yidhaa C/rashiid riyo-raac ayaa idaacada Ingiriiska ee af-somaliga u sheegay in laga heshiiyay awood qaybsiga maamulka la baxay Somalilaan ee sheeganaya dhul Somaliyeed oo Ingiriis 1960 laga eryay.

Tayada idaacadaas iyo waraysiyadooda oo dhinac jira ayayna u dhicin in beenalahaas la weydiiyo halka lagu heshiiyay iyo cida heshiiska wada gashay.


Wararka ayaa sheegaya in odayaasha gobolka qaarkood ay awood qaybsigii dhalintu waday ku iibsadeen shilimaad Muuse Biixi soo tuurey sida in jagada Saylici lagu bedelayo Maxamud Sacad oo la ogyahay inaanu Saylici waxba dhaamin haddaanu ka darneyba.


“Waxaan ka rabnaa inuu keeno halka heshiis looga gaadhey ayuu yiri siyaasiga da’da yar ee lagu magacaabo Ruush. Anaga naloo dawladeyn maayo ninkana maanta laga bilaabo cida uu doorasho dhex u noqonayo ha raadsado Awdalse maya ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.