X

Muxuu Maraykanku u diidan yahay inuu hubkiisa siiyo Yukrayn?

Maraykanku wuxuu dagaal dadban kula jiraa Ruushka wuxuuna Yukrayn siiyaa hub ayna isku difaaci karin laakiin fulaynimo ku dhifo oo ka dhaqaaqa ah sida gantaalha lagula dagaalamo taangiyada.


Tani waxay keentay in guryo badan ka dumaan Yukrayn maxaa yeelay Ruushku wuxuu duqeeyaa gurigii laga soo weeraro. Waxaad is weydiin kartaa muxuu hubkiisa u siin la’yahay ee u raadiyaa hubka Ruushku sameeyo?

Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Ingiriiska oo dabadhilif u ah Maraykanka isku dadna yihiin ayaa isna sheegay inuu suuqa ku jiro oo raadinayo hubkii Ruushka. Wuxuuna marmarsiiyo ka dhigtey in Yukrayn isticmaali karto.


”Ujeedada ugu weyn ayaa ah inaan rabin in Ruushku ogaado isticmaalka hubka Maraykanku ku faano oo boqolkiiba 60 aan shaqayn marakay dhabtu timaado ayuu yiri Xirsi Warfaa. Tusaale gantaalaha lagula dagaalamo taangiyada oo Yukrayn ay siiyeen intooda badan ma shaqayn sida ay sheegeen shaqsiyaadka dhuumashada ku toogta ciidanka Ruushka.

Waxa kale oo ay diidan yihiin in hubkooda u gacan galo Ruushka oo runtii dhinaca hubka aad uga horumarsan Maraykanka qaasatan madaafiicda goobta iyo gantaalada meel fog wax ka toogta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.