Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Dhaqan siyaasadeed oo cusub oo aan hore looga arag gobolka Awdal oo ku soo kordhey baryahan dambe

Waxa baryahan dambe ku soo kordhey saaxada siyaasadeed ee gobolka Awdal dhaqano cusub oo aan hore loo arag oo aad is waydiin karto ma siyaasadii gobolkaa sidan ku dambeysay mise halay arkadaa ayaa badatay.

Gobolku wuxuu ka mid yahay gobolada aadka ay u saamaysay burburkii dalku soo maray waxaanad ku qanci kartaa in dhaqanada siyaasadeed ee cusub ay taasi keeni karto.

Waxa bishan gudaheeda Boorama lagu soo dhaweeyay wasiir Siilaanyo ku buuxiyay boos wasiir hore oo gobolka ka soo jeeda uu ka tagay hadaan sii jilciyo wasiirkii waxbarashada Geedoole oo lagu bedelay C/llaahi Dheere oo magaalada aad loogu soo dhaweeyay.

Waxaan baaray C/llaahi Dheere iyo in uu dadka soo dhaweeyay wax u taray ama noloshooda wax ka bedelay waxase ii soo baxdey in aanay jirin haba yaraatee wax magaciisa sheegaya..waxaan dib isku waydiiyay hadaa muxuu ku kasbadey soo dhaweyn intaa leeg jawaabtu waxay noqotey waa dhaqanka cusub ee gobolka oo la qarinayo. Hoos ka daawo soo dhaweynta.

Waxaan dhinaca kale fiiriyay waxa saxaafada ADAL ku abtirsata waxay ka qoreen soo dhaweynta C/llaahi Dheere waxana ii soo baxdey in kuwa lagu kala qaybsan yihiin qaarna qoreen waa soo dhaweyn qabyaaladeed halka kuwo kalena qoreen amaan wadeen. Ramaax oo hadlay ayaa yiri sida loogu baxay ha igu liso gobolka.

Dhinaca kale waxa daraad isna la soo dhaweeyay C/rashiid Xasan Mataan oo iska casilay xisbiga UCID inkastoo xubnihii gobolka ay sheegeen in ay isaga u gaar tahay, waxa la filayay in ayna dhicin wax soo dhaweyna..,.waxase la daawadey in isagana la soo dhaweeyay..waxaan sameeyay baaritaan ku saabsan C/rashiid waxana ii soo baxdey in uu ku cusub yahay siyaasada.

Waxaan waraystey hadaa yay ahaayeen dadkan soo dhaweeyay jawaabtii ii soo baxdey ayaa la mid noqotey tii C/llaahi Dheere waliba la ii raaciyay waa tartan…Saxaafada gobolka ayaan fiiriyay waxaanan arkey kuwii wax ka sheegayay C/llaahi oo amaan dusha uga tuuraya C/rashiid…Hoos ka arag Muuqaalka soo dhaweynta.

Waxaan is waydiiyay tani ma dhaqan socon doonaa oo hadba la isa soo abaabulo oo waa Subeer noo dalacsii mise waa jufo jufo ku taag oo sidaas ayay ku dhantahay.

Waxa reer Awdal hore ugu khasaareen soo dhaweyn ay ku dhidideen oo ay u sameeyeen Prof Axmed Samatar oo aan soo dhaweyntaa hal ceel kaga ajarsan xataa islaamaha uu ka sheekeeyo had iyo jeer ee uu ku soo dhaafay Garbodadar.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...