X

Dhexdhexaadin maxaa loogu baahday

Waxa maalmahan kabihii ka dhamaadeen horjooge Qoor Qoor iyo labada gudoomiye barlamaan ayagoo isku dayaaya inay gunti giijiye u sheegaan inuu shaqadiisa gabay oo arimo kale faraha la galay.


”Waxaan dhan waxa wata kooxda beesha caalamka ayadoo ay soo dhowdahay go’aankii dacwada badda oo Kiiniya qiratey in looga adkaaday, haddase ay lacago dheeraada ku bixisay sidii dawlada loo qasi lahaa.

”Kiiniya waa malageeda haddii madaxweynaha hadda jooga soo noqdo ama doorashada ay bilaabmi weydo kahor g’aanka, waxase muuqata in Kiiniya is diyaarisay ayuu yiri Cali Calasow.


Waxaad is weydiin kartaa waxa loogu baahday dhexdhexaadin waa loo jeedaa in gunti giijiye Rooble badkale galay sow maaha in la eryo mar hadduu arimo kale galay ayuu qabaa Cali Calasow.


”Lama joogo waqti dhexdhexaadin iyo badaa la galo hawl ayaa loo direy haddii uu gabay hala eryo ayay qabaan xog ka ag-dhow gudoonka barlamaanka. Waan u jeednaa inuu ku tuntey sharciga.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.