X

Itoobiya waa Itoobiya hadday doorasho gasho iyo haddii kalaba

Waxa musharixiinta xorta ah ay sheegayaan inay taageero farabadan haystaan maadaama dadku isbedel rabaan ayna tijaabiyaan dhiig cusub xilli kuwii kursiga hore u fadhiyay ayna waxba ku soo celin deegaanka.


”Waxaan u dagaalamaynaa inaan musharaxayaga C/raxmaan C/laahi uu soo baxo waanan haysanaa codkii nagu filnaa laakiin waxa jira kaadhadh gaadhaya kumanaan oo la sii qaybiyay ayuu yidhi Cumar. Xisbiga Barwaaqo way qaybiyeen kaadhadh badan dadka ay ka codaynayaana waa dadkoodii oo raba isbedel.


”In musharaxa xisbiga Barwaqo loogu shubayo shaki igama jiro waayo saan saanteedii ayaa muuqata, midna ku darsoo musharaxa aan wadanaa waa isla xisbiga Barwaaqo laakiin waxaan wadanaa isbedel cusub ayuu raaciyay Cumar.


Taageerayasha C/raxmaan C/llaahi ee degmada Dambal oo aad u firfircoon ayaa uu soo baxaya si baaxdale halka kan ay wataan xisbiga Barwaaqo aad tirin karto inta soo baxaysa inta badana kuma soo baxayaan si niyada ayay qabtaa hooyo Xaliimo.

Si kastaba ha haatee waa markii ugu horeysay ee bulshadu doorasho u soo baxdo ayagoo raadinaya isbedel dhaba haba noqoto mid dhinac ka rarane.Itoobiya waa Itoobiya ama doorasho ha gasho ama yayna gelin isbedel dhaba lagama filayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.