X

Dhibaneyaal Burco ku dalbadey in Qalbi-dhagax cadaalada la horkeeno oo la xirey

Dhibaneyaal saxaafada u sheegay dhibkii Qalbi-dhagax u gaystey dalbadeyna in cadaalada la horkeeno ayaa maamulka Somaliland u taxaabey jeelka magaalada Burco.

Dhibanaayashan aya sheegay in Qalbi Dhagx oo Hargeysa joogey usbuucii hore uu gaadiid ka gubey isla markaana ay ka yaabeen soo dhaweynta aanu u qalmin ee Hargeysa loogu sameeyay, ayadoo lagu xumeynayo madaxda dawlada dhexe.


Qalbi-dhagax ayaa taliskii Tigreegu u adeegsadey inuu sumcada kaga dilo madaxda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, waxana hadda u magacaaban yahay maamulka Mustafe Cagjar ee dawlada Somali galbeed.


Wuxuu casuumad ka helay maamul goboleedyada diidan sida loo wado siyaasada arimaha dibedda Somaliya ee taageerada ka hela Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Labadan Nin ee jeelka Burco loo taxaabay ayaa lagu kala magacaabaa nabadoon Faarax Xasan iyo Shaakir Deeq ayadoo lagu eedeeyay inay u gafeen Qalbi-dhagax.


Muuse Biixi ayaan ogoleyn cid hadasha, waana caadi in jeelka laguu taxaabo ayuu yiri muwaadin reer Burco oo isagu ka xanaaqay xadhiga nabadoonadan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.