X

Fowdo iyo sheeg ka dhacdey doorashadii maayerka Boorama

Fowdo iyo sheeg ayaa ka dhacdey doorashadii maayerka Boorama. Waxa amar bixiyay masuul Hargeysa laga direy oo Muuse Biixi u qaabilsan amniga. Waxaad maqlaysaa isagoo leh sheeg adu ma codaynaysid iyo xildhibaanadii oo uu ku leeyahay aamus.


Doorashada maayerka ayaa noqotey 10 iyo 10 waxase guusha la siiyay Maayer Saleebaan Xasan Xaddi oo hore u soo caseeyay Boorama casaana kaga tagey oo ay ilma adeer yihiin wasiirka ganacsiga oo lagu eedeyay inuu ku kacay qabyaalad cad.

 


Xildhibaan Maxamed Dheereayste oo isagu sheegay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ayaa sheegay in loo wada jeeday waxa meesha ka dhacay. Dheerayste ayaa laga dhexarkayaa inuu yahay xisbiga Wadani.

Hoos ka daawo fowdada ku shubashada iyo qaabka ka dhacay doorashada

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=nwnV4Sja2ig[/embedyt]

Maxamed uusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.