X

Wasiir Dr C/raxmaan Bayle muxuu ka yiri lacagta ka soo gasha hawada iyo xisaab celinta

Wasiir Dr C/raxmaan Bayle muxuu ka yiri lacagta ka soo gasha hawada iyo xisaab celinta. Wasiirka oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in maamulada hoostaga dawlada dhexe ay xisaabta soo celiyaan.


Maamulada qaar ayaa diidey inay xisaab celin sameeyaan marmarsiiyana ka dhigtey in iyaga weerar lagu yahay federaalna la rabin.

Wasiir Dr C/raxmaan Bayle waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ay iska kaashanayaan sidii lacaga cashuurta ah ee laga qaado diyaaradaha mara hawada dalka loogu wareejin lahaa Wasaaradda Maaliyadda.


Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in dhawaan ay dalka iman doonaan bangiyi caalami ah oo wax xawili kara. Somaliya ayaa waxa saaran cunaqabatayn dinaca maaliyada, hubka iyo ciidanka ah.

Taas Oo sababtey in dalku talaabo qaadi waayo ayna u xirnaadaan maamul jufeedyo ay wataan iyo argagixisada shabaab kuna noolaadaan ajaanib soo shaqo tagtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.