X

Dhiigmiiratada Daalibaan oo eriday macalimiinta haweenka ee dugsiyada sare

Dhiigmiiratada Daalibaan ee fuleyda Maraykanku gacanta u geliyeen dalkaasi fiqiirka ah ee Afqanistaan ayaa kala direy macalimiinta dugsiyada sare ee haweenka ah. ”Ma imaan kartid ayaa nalagu yiri dugsiga dhamaan intayada haweenka. Raggu caadi ayay u tagyaan shaqadooda.


”Dhamaan waxa la farayaa in wiilashu yimaadaan waxbarashadooda laakiin lama ogola haween soo xaadira dugsiyada sare ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratada ay beegsato haweenka ayadoo ka soo horjeeda inay tacliin helaan haba yaratee sidaana ku jebinaya xadiis dhan oo rasuulkeena SCW yiri.


”Ma garanayo diinta Daalibaan ay samaysteen xataa wahaabiyada ay ku tiirsan yihiin hadda dumarka waa u ogol yihiin inay wax bartaan ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.