X

Faahfaahin ka soo baxaysa meydka nin dhar-tole ah oo laga helay Muqdisho

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa nin dhar-tole ah oo meydkiisa laga helay isla meheradiisa iyo warqad agtaalay oo la filayo inuu isagu qorey inta aanu is daldalin. Ninkan ayaa qoyskiisa ka walwaleen markii uu soo hoyan waayay.


Waxa la sheegay inuu labada maalmood ee Jimcaha iyo Sabtiga uu tegi jirey Jaamacad laakiin uuna soo hoyan. Maanta oo la jebiyay meheradiisa ayaa loogu tagey isagoo daldalan.

Markii la fiirfiiriyay isla meherada iyo agagaarkiisa ayaa laga helay warqad dardaana oo uu ku leeyahay qoyskeyga halaga warhayo. Ninkan ayaa lahaa xaas iyo laba caruura.


Dadka yaqaanay ninkan magaciisa lagu soo koobay C/casiis ayaa sheegay inuu ahaa nin ehli diina laakiin ay jirtey baryahan dambe inuu buuq ku furmay maskaxiyan ah. Waan arkay asagoo isla hadlaaya dhowr jeer ayuu yiri nin ay saaxiibo ahaayeen. Lama garan karo in warqada isagu qorey iyo in cidkale qortey.

Masuuliyiinta dembi baarista ayaa meydka qaaday asyagoo ku bilaabay baaritaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.