X

Is rasaasayn dhexmartey ciidamada Somaliya iyo kuwa Kiiniya

CIIDANKA SOMALIYA EE BELEDXAAWO

Waxa is rasaasayn dhexmartey ciidamada Somaliya ee ku sugan xad-beeneedka u dhexeeya labada dal. Is rasaasayntan ayaa la sheegay inuu ku dhintey hal qof oo marka hore dhaawac soo gaaray.


Ciidanka Kiiniya ayaa gaari uga cararay goobta kaas oo gacanta u galay ciidanka Somaliya. Lama sheegin sida dagaalku ku bilowday iyo cida bilowday, waxase jirey baryahan daandaansi ay wadeen ciidanka Kiiniya.


Ciidanka Kiiniya ee xad beenaadka oo u bartey inay gubaan hantida shacabka ayaa hadda waxa horjooga ciidan Somali ah oo aan hub badan loo ogolayn laakiin ayna ku dhici karin inay weeraraan.

Waxa socda dhaqdhaqaaqa labada ciidan sida ay ku waramayaan dadka u dhow deegaanka shaqaaqadu ka dhacday.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.