X

Dhiigmiiratada shabaab oo deegaano horleh lagala wareegay

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhirbaaxo xoogleh lagu dhiftey dhiigmiiratada shabaab oo meyd ahaan uga tagey dhalinyaro badan oo ay soo qaldeen.


”Waxaan saaka qaadnay weerar ayna fileyn dhiigmiiratadu gaar ahaan deegaano hoostaga Baardheere waxaan ku dilney dhalinyaro dhiigmiiradtu soo qaladay ayuu yiri hogaanka ciidanka.


”Deegaanada aan kala wareegnay waxa ka mida Tubaako Koreey iyo Kudug oo dhiigmiiratadu lacago baada uga qaadi jireen dadka ayuu raaciyay taliyuhu.


Awooda ciidanka xooga oo korodhey awgeed ayaa hadda ciidanku awood u leeyahay inuu baacado dhiigmiiratada, waxase inta badan dhacda in lagu dilo gaadmo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.