X

Dhiigmiiratada shabaab oo diley culimo ay ku jiraan qaar naafo ah

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo gaar ahaan Baardheere ayaa sheegaya in dhiigmiiratada shabaab ay dileen sadex culimo ah oo midkood yahay naafo. Waxa dadka badankiisu is weydiinayaan sida ay ugu suurtagashay in argagixisada timaad magaalada.


Gudoomiyaha degmada oo ka waramay xasuuqa culimada ayaa sheegay in culimadan ahaayeen culimo da’ jooga oo kan ugu yari yahay 80. Waxana uu intaas ku daray in ay ku soo galeen magaalada sida waraabughu u qaato xoolo xeraysan.

”Dhiigmiiratada in ka badan 80km ayaan ugu tagnaa oo ku soo laynaa waana dhuumasho, Baardheerana waxay ka mid tahay meel amnigooda la isku halayn karo ayuu raaciyay.


Gudoomiyaha oo ka hadley culimada ayaa sheegay in ay ahaayeen culimada magaalada degan oo qoysas iyo caruur u joogto qaarkoodna weligood aan qaban xil dawladeed.

Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu fuliso xasuuq noocana.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.