X

Dhiigmiiratada Shabaab oo qarxiyay ceel biyood kumanaan haraadsan

Dhiigmiiratada shabaab ee ku qaraabata diinteena suuban ayaa qarxiyay ceel biyood ay ka cabayeen kumanaan haraadsan deegaanka Teedaan ee ku yaal gobolka Hiiraan. Kumanaan ku tiirsanaa ceel biyoodkan ayaa hadda si degdega ugu baahan in biyo loo raadiyo.


Ceelkan oo ku shaqaynaayay iftiinka qoraxda iyo mishiin dhaliya korontada ayay intaba qarxiyeen. ”Waxa aad arkaysaaa rasaasta ay la dhaceen mishiinka biyaha iyo biraha cadceeda ka dhaliya korontada ayuu yiri Yuusuf Macalin.


Warbaahinta oo booqatey ceel biyoodkan ayaa indhahooda ku arkay ceel biyoodkii oo isla dhuumihii soo qaadayay biyaha lagu qarxiyay, taas oo ka dhigan in mid cusub loo qodo mooyee ayna dadku biyo helayn.



Qarashka ku baxaya ceel biyoodkan ayaa ah kumnaan doolar haddiiba loo helaba. ”Hadaad awal been u qabteen in dhiigmiiratadu waxan samayso hadda indhihiina ku arka ayuu raaciyay Yuusuf Macalin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.