X

Roob laxaadle oo ka da’ay Boorama iyo khasaare ka dhashay

Waxa xalay roob laxaadle uu ka da’ay degmada Boorama ee Awdal halkaas oo lagu raystey dadkuna aad u soo dhaweeyeen, waxase ka dhashay khasaare isugu jira naf iyo maal.


Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta degmada waxa daad ka dhashay roobkaas ay qaadeen guryo halka qaar kale saqafka uu ka qaaday oo dadkii deganaa hadda barakac ku yihiin xaadado kale.


Waxana jira dhimashada wiil dhalinayara oo daadku qaaday markii dambena meydkiisa laga helay meel ka fog hakii uu ka qaaday. Khasaaraha nafeed waxa ku jira xoolo nool oo gaadhaya 45 neef oo sida muuqata daadka lagu sii daayay taxadar la’aan, ayadoo lays lahaa welli daad ma jiro.



Dhinaca kale wakaalada biyaha ee magaalada ayaa iyaduna sheegtay in afar ceel biyood oo magaaladu ka cabto uu iyadna daadkii qaaday haddana ay dib u dayactirayaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.