X

Tigreega oo dhamaan laga saaray gobolka Canfarta

Ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyada Canfarta ayaa shalay gebi ahaanba Tigreega ka eryaday gobolka Canfarta. Tigreega ayaa hadda u muuqda inuu go’doon ku jiro. Tigreega oo xooga saaray wadada B2 ee isku xirta gobolka Axmaarada iyo caasimada ayaa dhexda lagu kala jebiyay.


Dawlada Itoobiya ayaa hadda joojisay faafinta akhbaarada dagaalka, ayadoo sirta ciidanka iyo halka uu ku wajahan yahay la ogaaday in Maraykanku la wadaagayo maleeshiyada Tigreega.



”Hadda waxa ciidanku afka saaray wadada dheer ee toos u tagta gobolka Tigreega ayagoo kala jaray saadkii iyo baabuurtii ay heli lahaayeen maleeshiyada Tigreega ee bililiqada ku nool.


Si kastaba ha ahaatee waxa hadda hadhay keliya ilaa sadex magaalo oo muhiima oo ay ka joogaan wadada dheer ee loo yaqaan B2. Tigreega ayaa si ula kaca burburiyay dhamaan goobaha cibaadada oo masaajidu ugu badan tahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.