Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Butlaan Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa abaal marin lacageed u balan qaaday cidii soo disha dhiigmiiradka ugu weyn Somaliya ee ay ku maqan yihiin gacantiisa kumanaan Somali ah waa afhayeenka kooxda gaaleynta Muslimiinta ee shabaab.
C/ladiif Sanyare oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayuu ku balan qaaday in lacag gaareysa $50,000 (Konton kun oo doolar) uu siinayo cidii soo disha dhiigyacab Cali Dheere.
Waxa uu sheegay in Cali Dheere dhibaato badan dalka ka geestay, waxa uuna cadeeyay in uu mudan yahay in la dilo isagoona abaal marinaya cidii dhegta dhiiga u darta.
Dhiigyacab Cali Dheere oo ku dhuunta gobolka Jubbada dhexe ayaa gacantiisa ay ku maqan yihiin kumanaan Somali ah waxa intaas dheer inta uu laxaad tirey ee welli la jiifta. Wuxuu ku faanaa xasuuqa kumanaan Somli ah oo kooxdiisu gaalaysay.
C/ladiif ayaa ku dhiiradey inuu lacagtaan dul dhigo xilli dawlada looga baahnaa inay horkacdo dagaalka iyo soo qabadka kuwa xasuuqay ummada ay sheegato inay matasho.
Ilaa hadda ma jirto hogaan si cad u sheega wuxuu ka qaban lahaa madaxda argagixisada shabaab aan ka ahayn waan ka adkaan doonaa.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS