X

Dib u dhaca doorashada maka mid tahay mid joogista loogu dheerayno AMISOM

Waxa markale sadex bilood loogu daray wadahadalada u dhexeeya dawlada dhexe ee Somaliya iyo askarta Afrikaanka ee jooga Koofurta iyo bartamaha dalka. Waxaadse is weydiin kartaa maxaa sadex bilood loogu baahday, mase ka mid tahay qorshayaasha kala duwan ee AMISOM ku dheeraysanayso joogisteeda.


10 sanno aan joogno

”AMISOM waxay rabaan inay dheeraystaan joogista dalka runtiina ma rabaan inay dalka ka baxaan waxayna rabeen inay kharash kale ka raadsadaan reer Yurub iyagoo raba inay hawlgalka ka dhigaan mid hoostaga qaramada midoobay ayuu yiri Cali Calasow.


Dawlada uu hadda hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo waxay rabaan in AMISOM ku baxdo muddo 2 sanno ah ugu badnaan oo kolba ciidanka Somaliyeed ee la soo tababaro uu la wareego xerooyinka iyo deegaanada la xoreeyay.

Dhowr jeer ayaa AMISOM khiyaamaysay ciidanka xooga ayaga oo ka cararay xero ay deganaayeen xilli ciidanku xoogu aanu welli gaarinba, waxana xeradii soo galay argagixisada shabaab kadibna bililiqaystey hantidii taalay.


Dib u dhaca doorashada

”Qorshaha AMISOM waxa ugu weyn sidii madaxweynaha hadda jooga xukunka loogu tuuri lahaa ilaa haddana ma haystaan siyaasi tayo leh oo la tartami kara. Dib u dhaca doorashadana waxaan shaki ku jirin inay qayb ku leeyihiin.


”Waad u jeedaan siday wax u wadaan xitaa waxa qorshahooda ka mida in booska gudoomiyaha barlamaanka la siiyo nin Daarooda si Farmaajo aanu ugu tartamin xilka madaxweynenimo ayuu yiri Xuseen Warsame.

Soo noqoshada Farmaajo


Iyaga waxay u tahay geeri in madaxweyne Farmaajo dib u soo noqdo waxay kaloo geeri u tahay kooxda Xalane fadhida oo shaqadoodu dibedda tahay, inta sii joogtana lagu qasbi doono inay bixiyaan cashuurta ku waajibtey.



Waxaan la garanayn waxa sadex bilood ku kordhinayso wadahadalada dawlad iyo AMISOM, ayadoo la ogyahay mowqifka dawlad ee amniga iyo kan AMISOM wadata, sow marka maaha inay rajeeyaan in Farmaajo aanu soo noqon kadibna ay sii joogaan intey rabaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.