X

Horjooge Siciid Deni oo sheegay inuu hadda qaatay xabad joojin

Horjoogaha Butlaan Siciid Deni oo shalay ilaa saaka weerar ku qaaday ciidamo uu tababaray Maraykanku oo Boosaaso ku sugan ayaa sheegay inuu qaatay xabad joojin. Dadka magaalada ayaa hadda la sheegay inay fursadan uga faaideystaan inay dhinaca kale u gudbaan.


ā€¯Horjooge Siciid Deni oo talaabo hore u qaadi waayay dagaalkii shalay iyo saaka ayaa arkay inaanu waxba ka faaiideyn weerar uu sii wadaa oo hadda cidla taagan yahay ayuu yiri Cali Calasow. Ani ilamaad tashan markaad dagaalka qaaday haddana talo ayaad iga rabtaa ayaa laga soo xigtey Axmed Karaash.


Wuxuu ku qasbanaadey inuu hadda qaato xalkii ay keeneen isimada dhaqanka ee Butlaan asagoo dareemaya in awood wax ku qaadi waayay ayuu raaciyay Cali Calasow. Waxase uu diiday inuu dib ula noqdo ciidanka taabacsan taas oo keeni karta isku dhac kale.



Diyaano ayaa isna sheegay in ninkii uu shalay ka difaacayay argagixisada uuna maanta eedayn karin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.