X

Dib u dhaca doorashada yaa loogu danaynayaa

Waxa maalin walba dib u dhacaysa soo xulista xildhibaanada golaha shacabka waxaadese is weydiin kartaa yay dan ugu jirtaa dib u dhacan iyo murankaan xilli dalka qaybo ka mida uu ku jiro abaar ba’an.

”Waxaa joojinay doorashada 16 kursi ee ka soo jeeda gobolada Woqooyi ayuu yiri Cabdi Xaashi oo kursigiisa aanu ka dhicin tartan xalaala laakiin sida la sheegay odaynimo loogu daayay.


Hadaba tani yay dan ugu jirtaa?

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa isku raacay in tani dan ugu jirto kooxda Xalane iyo inta ay wadato oo rajadoodu yartahay ayuu qabaa Cali Calasow waayo welli waxay door ku lahaanayaan doorashada.

Dhinaca kale waxa kooxda Jasiira huteel ay soo saari karaan baaqyo cabasho oo u socda kooxda Xalane. Marnaba dalka wax faaiido ah uguma jirto qofkastana waa ogyahay.



”Waxa dalka jarjaray abaaro ba’an iyo maamul xumo baahsan ayuu raaciyay Cali Calasow, Madaxweyne Farmaajo ayaa lgu eedaynayaa in dhacdooyin is daba jooga aanu ka qaadan kaalintiisa sida dadkii horjooge Muuse Habdaraab uu biliiqaystey iyo abaarta ba’an ee ka jirta gobolka lagu tiriyo inuu ka soo jeedo.


Si kastaba ha ahaate waxay leeyihiin dadka siyaasada indha indheeya sidan ayaa u roon maadaama uu yahay shaqsiga reer galbeedku rabaan inay ka tuuraan xukunka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.