Thursday, December 7th, 2023
header










Meta







Koox dhulboob ah oo Hargeysa ka tagey oo joojiyay diiwaan gelin ka dhici lahayd deegaanka Ceelsheekh

Ceelsheekh–Wararka aanu ka helayno deegaanka Ceelsheekh ayaa sheegaya in koox dhulboob ah oo rabta in Ceelsheekh hoos timaad Hargeysa ay joojisay diiwaan gelin ka dhici lahayd Ceelsheekh oo ka tirsan Lughaya kooxdanise rabaan in ay hoos keenaan Hargeysa.

Kooxdan ayaa qaatay qalabkii diiwaan gelinta ee Berbera laga waday waxayna kala direen shaqaalihii diiwaan gelinta oo iyagu ka socday Berbera.

Sida uu sheegay gudoomiyaha Buloxaar kooxdan ayaa rabta waa siduu hadalka u dhigee in Ceelsheekh lasga xuklumo Hargeysa halka isagu leeyahay waxa laga xukumaa Berbera.

askar reer awdala ay hor istaageen diiwaan gelin laga keenay dhinaca Hargeysa iyagoo raba in ay deegaanka raaciyay gobolka Hargeysa. Askartan ayaa kala diray kooxdii diiwaangelinta waday kana qaatay qalab ay keensadeen.

Gudoomiyaha Buloxaar ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay qalabka diiwaangelinta geeyeen Ceelsheekh waxa markiiba la wareegay rag hubeysan waxaanan la hadlay wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade oo war nagu siiyay in laga soo noqdo Ceelsheekh 300 oo mitir ana waan ka badiyay oo 1000 mitir ayaan soo noqdey. waxaanan keenay meesha la yiraa mashruucii timirta oo Berbera xukunto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...