X

Dil wuxuushnimo oo ka dhacay gobolka Sool iyo laba walaala ah

Waxa deegaanka Hilgada ee ka tirsan gobolka Sool ka dhacay dil aad u foolxun oo ka fog dhaqanka iyo hiddaha soo jireenka ee diinteena suuban. Dilka ayaa loo gaystey laba dhalinyaro oo walaalo ah oo maanta isku mar la aasay.


Sida la sheegay labadan nin ee dhalinyarada ah ayaa loo dilay inay magan geliyeen niman kale oo Soomaaliyeed, kuwaasoo abaari ka soo kaxaysay deegaannadoodii.

Waxayna diideen in dadkaa martida u ah la taabto ayagoo ka door bidey in iyaga la dilo, waxayna u dhacday sidii wayna u dhinteen. Dhacdadaan foosha xun ayaa ugub ku ah dalka.


Waxase soo baxaya warar kale oo sheegaya in iyaga laftoodu tageen deegaan kale oo ay is hayeen laaliin ayan garanayn kadibna sidii lagu diley markii la gartey



Aaska oo walaalkood ka hadlay ayaa dalbaday in si degdega looga jawaabo dhacdadaan foosha xun. ”Dhaqan iyo diin midna inooma ha in dad marti kuu ah la dilo ayuu yiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.