X

Talyaaniga oo sheegay inuu qarxay dagaalkii dunida ee roodhiga

Waxa qarxay dagaalkii aduunka ee roodhiga ama furunka hadaan hadda la joojin ayuu yiri raiisal wasaaraha Talyaaniga. Waxaan ka dalbanayaa madaxweynaha Ruushka inuu soo fadhiisto miiska wadahadalada ee looga hadlayo roodhiga ama furinka.


Maaha inaynu ilowno inay jiraan 30 milyan oo tan oo qamadiya oo ku xaniban dekedaha Yukrayn ee sugaya inay suuqa soo galaan hadday iman waayaana uu Afrika iyo adduunka kalaba ay ka dhacayaan inqilaabyo iyo burbur.

Raiisal wasaaraha Talyaaniga ayaa dalkiisu ka mid yahay kuwa cunaqataynta saaray Ruushka wuxuuna ilaaway in iyagu qayb ka yihiin haddii ay dhacdo cunto yaraan.


Yurub oo ah meelaha ay hadda sida xun u saamaysay sixir bararku waxay eeda ku leexiyaan Ruushka oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn sixir bararka Yurub aafeeyay.



”Reer Yurub iyagaa isdiley oo daba rucleeyay Maraykan haddana waxa dadkoodii u dhimanayaan nolol xumo ay keeneen xukuumadihii ay doorteen ayuu yiri Xuseen Warsame

Calaacalka Talyaaniga iyo kuwa la mid ah ha wadaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.