Thursday, September 19th, 2024
header










Meta







Dilalkii argagixisada ee u dambeeyay iyo qoys lix ruux ka kooban oo ay ku dileen Gobolka Gedo

Argagixisada shabaab ayaa maalinkasta disha qof muslim ah waxana u dambeeyay qoys ka kooban lix ruux oo ay ku dileen deegaanka Abaqley ee Gobolka Gedo. Abaqley waxay qiyaastii 15km u jirtaa Degmada Luuq.

Dhacdadaan ayaa dhacday saqdii dhexe ee xalay. Argagixisada waxay isku gadaameen hoyga ay weerareen iyagoona ugu daatay deetana ku dilay lix ruux oo shacab ah.

Dadka la dilay ayaa isugu jira aabe, xaaskiisii, hooyadeed iyo saddex caruur ah oo ninkaasi uu dhalay. Qoyskaasi waxaa la nooleyd marwadii la qabay hooyadeed.

Bogga ku hadla afka argagixisada shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ninka leh guriga la weeraray uu ahaa Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Somaliya ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda waxay si xoogan u beeniyeen warka ku aadan in ninkaasi uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda. Waxayna taasi bedelkeeda sheegeen inuu ahaa nin beeraley ah.

Ujeedada xasuuqan ayaa sida caadiga ah lagu cabsi galiyaa dadka muslimka ah ee Somaliyeed iyo bulshada ku nool Degmada Luuq.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa

August, 16, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

August, 16, 2024
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Wiil ehlu salaada iyo gabadh qurxoon oo dhexda ku sugi jirtay

August, 16, 2024
Waqtigii rasuulkeena scw scw waxa jiray wiil dhalinyara ...

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...