X

Diyaarad aan la garanayn oo ku dhacdey Afqaanistaan

Diyaarad ilaa hadda aan la garanayn ayaa ku dhacdey gudaha dalkaasi burbursan ee fiqiirka ah ee Afqaanistaan ee ay meelo badan Ka taliso argagixisada Taliban. Gobolka ay ku dhacdey diyaaradan sidey 110 -ka qof ayaa ah gobol ay ku xoogan yihiin dhiigmiiratada Talibaan.


Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in goobtaas la geyn doono ciidan tababaran oo soo fiiriya xaalada ay ku sugan yihiin dadkii saarmaa diyaaradaas oo ku socotey dalkaasi Hindiya sida la sheegay.


Diyaaradan ayaa ka kacdey gobolka Xiraad ee inta badan ka badbaadey argagixisada. Ilaa hadda ma jiraan cid sheegaysa diyaarada in iyagu leeyihiin. Warar kale ayaa sheegaya in Maraykanku leeyahay oo ay tahay diyaarad milatari.

Warkii u dambeeyay

Maraykanka oo qirtey in diyaarad ay iyagu leeyihiin mana sheegin tirada la socotey oo boqolaal kor u dhaafsan sida warar kale sheegayaan waxayna ahayd diyaarad milatari.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.