X

Muxuu ka dhigan yahay gacanka labaad ee Telefishanka qaranku soo kordhiyay

Telefishanka qaranka Somaliyeed ee magaalada Muqdisho oo feedh iyo laad lagu waday mudadii uu hawada ku jirey ayaa hadda yeeshay gacan labaad oo Ka duwan gacanka koowaad ee hadda jira.


Inkastoo telefishanku ku qoran tahay af-Ingiriis waxa maamuladii soo jirey burburka kadib ku guuldaraysteen inay helaan magac Somaliyeed oo matala dadka ay la hadlayaan.

Xaflada daahfurka telefishanka qaranka gacankiisa labaad ayaa waxa nasiib daro ah in wasiirka laftiisa aad moodid inuu la hadlayo dad Ingiriisa waana nasiib daro weyn ayuu yiri Cali Calasow.


Si kastaba ha ahaatee waxa guulweyna in gacankan labaad laga soo deyn doono barnaamijyo xiise leh oo madadaalo u badan si loo soo jiito dhalinta ku wareeray dhaqamada Carabta, Turkiga iyo kuwa gaaladaba si ay u helaan dad ay ku daydaan.

Telefishanka hadda jira ayaa ah mid faaruqa oo aan buuxin kaalintii laga sugayay, waxa ka afdheer kuwa ummada sii kala fogeynaya.


Isku soo duuboo waa talaabo loo qaaday dhinaca horumarka oo ay uga data doonaan telefishanada kale ee ay inta badan leeyihiin jufooyin qaarkood faafiyaan cuqdado qabiil.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.