X

Diyaarad deg-deg ugu degtay Suudaan kadib markii bisadi weeratay wadaha

Arbacadii ayay ahayd markii diyaarad Suudaan laga leeyahay oo u socotey Qadar ay dib ugu noqotey madaarka caasimada markii wadaha diyaarada ay weerartay bisad. Sida ay qoreen warbaahinta dalkaasi waxa shidhka diyaarada soo gashay bisad aad u caraysan,


”Waxay markiiba weerartay mid ka mida wadaha diyaarada xilli diyaaradu ay hawada ku jirtey muddo nusaaca markii ay ka duushey garoonka diyaaradaha ee Khartuum ayaa lagu yiri qoraalka. Diyaarada ayaa u jeeday Sacuudiga.

Su’aasha la is weydiiyay ayaa ah sidee bisadu ku gashay diyaarada, waxana masuuliyiinta madaarka qabaan in ay geli karto xilliga diyaarada la nadiifinayo ama dayactirka iyo dib u eegista ay ku socoto.


Maaha markii ugu horeysay ee bisad caraysani weerarto wadaha diyaarada waxana sanadii 2004-kii diyaarad ay leedahay Beljim ay bisadi si xun xagatey wadaha diyaarada halka sanadii 2013 diyaarad xamuula oo Sacuudigu leeyahay kuna socotey Shiinaha la hakiyay saacadihii ugu dambeeyay kadib markii waduhu ka baqay bisad saarneyd.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.