X

Shirka raiisal wasaare Maxamed Xuseen la galay qaar ka mida musharixiinta oo la dhaliilay

Waxa magaalada Muqdisho ka socda shur raiisal wasaare Maxamed Xuseen la galayo qaar ka mida musharixiinta oo iyagu sheegta golaha musharxixiinta laakiin ka kooban keliya hal jufo. Kooxdan oo ku xiran kooxda kale ee sheegata beresha caalamka ee qasaya dalka ayaan matalin dalkoo dhan.



Waxa u daba dhuumanaya dawladaha Kiiniya iyo Imaaraadka. Haddaba waxa lagu dhaliilay raiisal wasaaraha inuu musharxiinta u kala eexanayo oo qaarna la kulmayo qaarna aanu la kulmeyn. ”Waxa muuqata in shirkaas aan musharixiinta oo dhan lagu casuumin ayuu yiri Cali Calasow.

”Haddii raiisal wasaaraha leeyahay beeshaydaan casuumayaa KELIYA dee waa wax gaara laakiin shirkaasi huteelada lagu qabanayo weliba u dhow madaarka maaha mid musharixiinta loo simay, dee kuwa kalana maxaa u diidey inay banaanbaxyo abaabulaan ayuu raaciyay haddii qas laysku taageerayo.


Doorashada dalka ayaa waxa diidan kooxda sheegata beesha caalamka oo ay hormood ka yihiin Kiiniya, Imaaraadka iyo XALANE , waxayna rabaan in nidaamka doorashada ay gacanta ku dhigaan soona saaraan cid iyagu ogolyihiin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.