November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Diyaarad Somali badan la socotey oo deg deg ugu degtay Kiiniya

Sida war uu ku sheegay mid ka mida rakaabka diyaarad Muqdisho ka duushey oo lagu waday in ay kui degto Wajeer laguna baadho ayaa si deg dega uga degtay garoonka Nayroobi. Diyarada aya waxa la socdey 120 qof oo saraakiil, xildhibaano iyo wasiiro ku jireen.



Saraakiisha Ammaanka iyo Gaadiidka Dab-damiska ayaana heegan la geliyey, markii ay Diyaaradda soo caga-dhigatay Garoonka.

Mid ka mid ah Rakaabka la socday Diyaaradda oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac ayaa sheegay inuu qorshuhu ahaa inay Diyaaraddu ku degto Garoonka Caalamiga ee Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya, balse loo diiday fasax ay ku soo degi karto.

<


p style=”text-align: justify;”>Waxa uu intaasi ku daray inay si toos ah ugu soo duuleen Garoonka Nairobi, wuxuuna xusay in ay cillad dhinaca Matoorka u sabab tahay cilladaasi.

Diyaaradaha ka duula Somaliya oo dhan ayaa ah kuwo tayadoodu aad u xuntahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS